Diini Publications
Hoggaanka Iyo Haweenka (edición somalí) - 9781912411276
Hoggaanka Iyo Haweenka (edición somalí) - 9781912411276
ISBN-13: 9781912411276
Precio habitual
$13.55
Precio habitual
Precio de oferta
$13.55
Precio unitario
/
por
Los gastos de envío se calculan en la pantalla de pago.
No se pudo cargar la disponibilidad de retiro
Labada jaad ama jinsi ee ragga iyo dumarka ceraa Alle u doortay inay dunida maamulaan, mid kastana wuxuu u yeelay hawl iyo xil saaran iyo xuquuq iyo xaqdhowr uu xilkaa la saaray ku yeelanayo. Hooyada ceraa laga dhigay tiir-dhexaadka ay bulshadu ku taagan tahay, la'aanteedna aanay bulshadu taabbaqaadi karin, qoyskuna aanu dhisnaan karin. Marka dib loo jalleeco sooyaalka iyo dhigaallada laga Sameeyey noloshii dumarka soo mareen, Waxay muujinayaan inay soo mareen heerar kala duwan haddii ay noqon laheyd dhanka nolosha, halka ay ka joogto bulshada, dhanka xuquuqda iyo wixii la mid ah. Ilbaxnimooyinkii iyo bulshooyinkii dunida soo maray Waxay ku xadgudbeen qaayihii iyo karaamadii dumarka. Qaarkood sidii badeecadii ayey iibiyeen, qaarkoodna iyagoo nool ayey dab ku rideen ama aaseen. Islaamku wuxuu dabargooyey dhaqammadii xumaa ee dumarka lagula kici jirey. Sida raggaba, wuxuu siiyey xuquuq, wuxuuna saaray xil. Hagardaamooyinkaa dumarka lagu hayey Waxaa ka dhashay gadoon iyo kacdoon looga dhiiddhinayo dhibaatooyinkaa dumarka haystey. Kacdoonkaasu wuxuu Keenay in aqoonyahanka iyo culimada Saynisku ay cilmibaaris Sameeyaan si ay jawaab ugu raadinayaan is weyddiimo badan oo dhashay. Sidee ayey aheyd nolosha haweeneyda Islaamka ka hor, Islaamkuse muxuu ka qabtay? Ma dhab baa in Shareecada Islaamku aanay dumarka tixgelin siin oo aanay xuquuqdooda dhawrin? ¿Maxaa Keenay Kacdoonkii Dumarka ee Yurub ka bilowdey? Ma xornimo-u-dirir ayey ahaayeen, mise ceray doonayeen sadbursi iyo inay helaan sad aanay laheyn? Maxaa Keenay Dagaalka ay ku hayaan diimaha, gaar ahaan Islaamka? Ma jiraan cera caddeynaya en ragga iyo dumarku abuur ahaan ay jirto cera ay ku kala geddisan yihiin? KU SAABSAN QORAAGA: CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin: Ka Joogsada qof yiri "Laa Ilaaha Illallaah" (2011); Tarankii Qurbaha Tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunanad (2021). Dhanka Waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Licenciatura en Ciencias (Bsc) Ingeniería Civil iyo sidoo kale Certificado de posgrado (PGC) oo ah Banca y Finanzas Islámicas.
- | Autor: Cabdulqaadir Cabdulle Diini
- | Editorial: Publicaciones Diini
- | Fecha de publicación: 09 de mayo de 2023
- | Número de páginas: 220 páginas
- | Idioma: somalí
- | Encuadernación: Tapa blanda
- | ISBN-10: 191241127X
- | ISBN-13: 9781912411276
Share
